General Mahad oo ku Faanay Xasuuqa Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya

0
112

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaanan deggeneyn kadib markii dibad-baxayaal kasoo horjeestay Qafaalashada ciidammada dowladda oo kaashanaya kuwa Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ay u geysteen musharraxa madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed mudane Mukhtaar Roobow.

Dibad baxa waxaa ku dhintay dad gaaraya toban qof tiro kalana wey ku dhaawacmeen. Xog badan lagama heyn markii hore cidda ka dambeysay dilka dadka shacabka ah ee sida nabadda ah u mudaaharaadayay, walow lagu tuhumayay ciidammada dowladda ee dhawaan la geeyay magaalada Baydhabo oo adeegsanaya taliyaha ciidanka booliska gobolka Baay Generaal Mahad.

Laakiin shakiga dad badan ayaa dhab noqday kadib markii lasoo bandhigay muuqaal laga soo duubay taliyaha ciidanka booliska gobolka Baay Genaraal Mahad Cabdiraxmaan oo ku faanaya inuu yahay “Laandheere” isagoo waliba si jees-jees ah u sheegay inuu heysto kun askari iyo kun kale oo dhawaan ay dowladda federaalka ugu soo dartay.

Damiir-xumada Genaraal Mahad ayaa ka careysiisayay dad badan oo Soomaaliyeed gaar ahaan reer Koonfur Galbeed kadib markii muuqaalka uu ku sheegay in “Maqaayadda” ay isaga u shidan tahay, taasoo dad badan oo aqoon yahanno iyo siyaasiyiin ah ay ku fasirteen inuu ula jeeday qandaraaska burburinta Koonfur Galbeed ee ay dabada ka riixeyso dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Warbaahinta Daafeet oo baaritaan dheeri ah sameysay ayaa ogaatay in wasaaradda amniga ee uu maamulo Xasan Eelaay ay wax ka ogtahay falalka gurrracan ee uu ku kacayo general Mahad.

Qaar ka tirsan Odayaasha iyo aqoonyahannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa hadda wada sidii xilka looga qaadi lahaa islamarkaana caddaaladda loo horkeeni lahaa Generaal Mahad iyo cid walba oo kula shirkowday dilka shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xilli sii horey ayay aheyd markii ciidammo ka amar qaata Genaraal Mahad ay dileen shacab ku sugnaa magaalada Baydhabo taasoo ilaa iyo hadda aanan lagula xisaabtamin.

Dowladda dhexe ayaa u muuqata mid adeegsanaya calooshood u shaqeystayaal kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo aanan wax dan ah ka laheyn nabadda iyo horumarka shacabka.