Ciidamada Uu Horjooyagaha Ka Yahay Generaal Mahad oo Xildhibaan Cabdishakuur Yacquub Ku Toogtay Magalada baydhabo

0
112

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in goor dhaw ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya toogasho ku dileen xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Yacquub ayaa dhinaca kalana ahaa guddoomiyaha guddiga Amniga Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dilka xildhibaanka ayaa ku soo beegamaya xili ay ka socdaan magaalada Baydhabo banaanbaxyo aad u weyn oo looga soo horjeedo qaabka foosha xun ee loola dhacqmay maalintii shaley musharax Mukhtaar Roobow.

Xaalada magaalada ayaa wali cakiran ciidamada ayaa si toos ah xabada ugu shacabka bananbaxaya taasoo ay doonayaan in dadka ay ku cabsi geliyaan.