Aqri Qoraal Shaqo Joojin ah oo Kasoo Baxay Maamulka Fadhiidka

0
384

Kulan ay isugu yimaadeen wasiirada ,maamulka shariif Xasan ayaa maalintii shaley waxaa uu ka dhacay magalada baydhaba kulankaas oo uu shir gudoominaayey Shariif Xasan.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa kasoo baxay warqad qoraal ah oo ay ku sheegeen in gulaha wasiirada ay joojinayaan laga bilaabo maalintii shaley wada shaqeynta dowlada dhexe ay la shaqeeyaan.

Balse waxaa is weydiin leh meeqo wasiir ayaa maamulka shariif xasan ka howl gasha mexayna shaqadoodu tahay yeyna kala yihiin.

1- Wasiirka Qandaraasleyda iyo NGO Cabdinaasir Cabdi Caruush

2- Wasiirka Maleeshiyaadka gobollka Baay Xasan xusdeen eelaay

3- iyo wasiirka islaarooleyda gobolka shabelaha hoose Cabdirahmaan Ibrahin Aadan Sate oo xafiiskiisu ku yaala magalada muqdisho.

Marka laga reebo seddexdaas wasiir ma jiro wax wasiir ah oo ka howl gala maamulka Shariif Xasan, Somalida wexey ku maahmaahdaa Mexey ku Nuugtaa Mexeyse ka nuugtaa, Wasiiro markii horaba magaca keliya watey oo aan wax howl u heyn bulshada hadey yiraahdaan lama shaqeyneyno dowlada mexey micno leedahay waa fadhiidh fadhiid lagu daray.