Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeybgalay Shirka 32-aad ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD kaas oo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada isku haya South Sudan.
Shirkan aan caadiga ahayn oo dib loogu soo nooleynayo wada hadallada Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir Mayardit iyo Madaxweyne K/xigeenkiisa hore Riek Machar ayaa Madaxda IGAD waxa ay dadaal dheeri ku bixinayaan sidii looga mira dhalin lahaa.
Madaxweynaha oo shirka kaddib kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa South Sudan Salva Kiir Mayardit ayaa ku bogaadiyay labada dhinac sida ay u aqbaleen in ay soo fariistaan miiska wada hadallada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay walaalaha South Sudan sidii ay uga bixi lahaayeen kala qeybsanaanta iyo dagaallada, wuxuuna kula dardaarmay in ay labada dhinac fursaddan uga faa’iideeystaan sidii dalkooda uu uga bixi lahaa dagaallada sokeeye.