Maddaxweynaha Maamulka Somaliland oo Ka Hadley Dagaalada Ka Socda Deegaanka Tukaraq

0
77

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo Puntland ee ka socda degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Muuse Biixi waxaa uu sheegay in ciidamada Puntland ay weerar kusoo qaadeen Ciidamadda Somaliland ee ku sugan degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay dagaalka Saaka dib uga qarxay degaanka Tukaraq, waxaana uu sheegay in Somaliland ay qaadi doonto tilaabo wax ku ool ah.

Maamulka somaliland iyo kan Puntland land ayaa inta badan isaga horyimaadaan dagaalo salka ku haya cidii ay hoos tegi laheyd deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay somaliland sheegato in ay ka mid tahay somaliland halka Puntland ay sheegao.