Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kulankan wuxuu ahaa midkii ugu horeeyay oo labada masuul ay wada yeeshaan tan iyo markii Mooshin la sheegay in Xukuumadda ay gadaal ka riixeyso laga geeyay Guddoomiye Jawaari.
Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa ay ka wada hadleen in xaalada la dejiyo, sidoo kalena si sharci ah oo nidaam uu ku dheehan yahay wax walba lagu dhameeyo, iyada oo buuq kale uusan imaan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Madaxweynaha u sheegay in uu aqbalay in Mooshinka cod loo qaado, balse wuxuu dalbaday in codeyntaas ay ka dhacdo meel amnigeeda uu sugan yahay, marqaati ahaana ay u joogaan Baarlamaanka Aqalka Sare, Bulshada Rayidka iyo Culumada, si arrinta ay noqoto mid hufnaan ah.
Prof Jawaari ayaa sidoo kale Madaxweynaha u tilmaamay in amniga dhismaha Baarlamaanka uu weli gacanta ugu jiro Xukuumadda, wuxuuna Farmaajo ka codsaday in Ciidamadaas laga dulqaado xarunta, laguna soo celiyo Ciidamadii horey u ilaalin jiray, si howsha ay ugu soo noqoto sidii caadiga aheyd.