Dhegeyso: Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka oo Sheegey Mooshinka Jawaari Ka Dhanka ah Iney Ka Dambeyso Shirkada DP World iyo Imaaraadka

0
77

Khilaafka u dhexeeya xubnaha golaha shacabka iyo xukuumada ayaa beryahan dambe cirka isku shareeray ayadoo dadka ay isla dhex marayaan in la isku heysto arimo kala duwan.

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ah mudane ka tirsan Golaha shacabka ayaa waxaa uu sheegay in shirkadda DP Wolrd ee 12-kii bishan Baarlamaanka soo saaray xeer dalka looga mamnuucayo ay ka dambeyso xiisadda ka dhex taagan xubnaha Golaha shacabka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in DP World ay gadaal ka riixeyso mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawari sidoo kalena ay ka dambeyso ciidanka la geeyay xarunta golaha Shacabka.

Xildhibaan Khaliif Mobil

Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkada

Xildhibaan Khaliif Mobil