Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerar loo adeegsaday qof Ismiidaamiye ah oo saakay ka dhacay Dugsiga Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka u hadlay Al-shabaab oo lagu magacaabo Cabdicasiis Abu –Muscab ayaa sheegay in weerarkaas uu ka danbeeyay qof iyaga ka tirsanaa oo bartilmaameesaday ciidamo Booliis ah.
Abu-muscab ayaa intaa ku daray in ay dib ka soo sheegi doonaan khasaaraha ka dhashay weerarka ka dhacay Gen Kaahiye.
Madaxa Amin Ambulances Abdikadir Abdirahman ayaa sheegay in ay qaadeen meydadka 13 ruux iyo dhimashada 15 kale oo ka mid ahaa ciidamadii ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxa.