Mukhaatr Roobow Abuu Mansiir oo Maanta Booqasho Ku tegey Magalada Kismaanyo

0
80

Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo mudooyinkii ugu danbeeyay safarro kala duwan ku marayay qeybo ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo.

Waxaa safarka ku wehlinayay wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/rashiid C/laahi Max’ed.

Wafdiga ayaa waxa soo dhaweeyay madax ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland oo ay kamid yihiin Wasiirka arimaha gudaha Jubbaland Mudane Max’ed Warsame Darwiish iyo saraakiil ka tirsan nabadsugidda Jubbaland.

Masuuliyiintan ayaan wax faahfaahin ah ka bixin ujeedada safarkooda, waxaana loo gelbiyay xarunta madaxtooyada Jubaland.