Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2018, kaddib markii dood adag ay ka yeesheen Miisaaniyadda oo ay horay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirada.
Kulanka Baarlamaanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Ibraahim Muudey ayaa waxaa soo xaadirtay 164 Xildhibaan.
Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/wali Ibraahim Muudey ayaa ku dhawaaqay natiijada codka, waxaana uu xusay in 162 Mudane ay ogolaatay, waxaa ka aamusay 1 Xildhibaan, halka xildhibaan kalana uu diiday.
Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle oo markii la ansixiyay ka hadlay ayaa soo dhoweeyay ansixinta Miisaaniyadda, isagoo ku tilmaamay tallaabo wanaagsan.
Miisaaniyadda 2018 ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaareysa lacag dhan $274,640,191 (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar).