Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabellaha hoose, ayaa si kulul u beeniyay hadal ka soo baxay Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Somaliya Jeneraal C/laahi Cali Caanood, kaasi oo sheegay in Shabaab iyo masuuliyiin Shabellaha hoose ka tirsan xiriir uu ka dhaxeeyo.
Gudoomiye ku xigeenka amniga Gobolka Shabellaha hoose Cali Nuure Maxamed oo la hadlay Warbaahinta, ayaa hadalkaasi ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah isla markaana uu generaal caanood rabo in fashilkiisa kula soo dul dhoco maamulka gobolka.
Wuxuu sheegay Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Gobolka Shabellaha hoose Cali Nuure, haddii ay jiraan xubno uu arkay Abaanduulaha iyaga oo Shabaab la xiriiriya inuu soo gudbiyo, balse aaney aheyn inuu Warbaahinta ka sheego.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Gobolka Shabellaha hoose Cali Nuure ayaa tilmaamay Gobolka inuusan ka socon dhaqdhaqaaq ciidan oo ciidamada Xoogga dalka Somaliya ay ku wajahayaan deeganada Shabaabka ay ka joogaan Gobolkaasi.
Khilaafka Taliska Militariga iyo masuuliyiinta Gobolka Shabellaha hoose soo kala dhex galay, ayaa wuxuu salka ku hayaa, kadib markii masuuliyiin Gobolkaasi ka tirsan ay Warbaahinta ka sheegen in ciidamo Militari ah ee guutada 6aad isbaarooyin soo dhigteen wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.