Wasiirka Wasaarada Maliyada oo Ka Warbixiyey Heshiisyo Cusub oo uu Soo Galey

0
64

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Duaalle Beyle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay safar shaqo oo uu ku tagay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wuxuu sheegay Wasiirka Magaalada Nairobi inuu kula soo kulmay xubno ka socday Hay’adda lacagta aduunka ee IMF, Bankiga aduunka, qubaro ka socday dalka Ingiriiska.

Wasiirka ayaa sheegay waxyaabihii laga doonayay Dowladda in ay si fiican u fulisay, wixii hada ka dambeeyana ay jiri doonaan Deeqo kala duwan oo ay balan qaadeen Hay’adaha uu la soo kulmay, maadaama wax walba lagu qabtay si hufnaan ah.

C/raxmaan Beyle ayaa sheegay weli in ay harsan tahay shaqo fara badan, isaga oo sidoo kale tilmaamay in shaqooyinka la sii dardar gelin doono ilaa Dowladda Soomaaliya ay ka bixiso deymaha lagu leeyahay.

Beyle ayaa sheegay in uu soo saxiixay heshiis ku saabsan sidii dalka lacago loo soo gelin lahaa, maadaama uu sheegay in aduunyadu ay qirtay in si hufnaan ah ay wax walba ku socdaan.a