Ra’iisal wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa gelinka dambe ee maanta lagu wadaa in uu khubadisii ugu horeysay ka hor jeediyo shirka gollaha guud ee Qaramada Midoobey ee magaalada New York.
Ra’iisal wasaaraha ayaa la filayaa in khudbadiisa uu diirada ku saaro xaaladda Soomaaliya, dhinacyada Ammaanka,siyaasadda , Dhaqaalaha iyo arrimaha banni,aadanimada, Isagoo taageero weydiisan donna beesha Caalamka oo shirkaasi ku sugan.
Marka laga soo tago khudbadaa la filayo maanta ee ra’iisal wasaaraha mudadii uu ku sugnaa New York waxaa uu kulamo kala duwan la yeeshay madaxda caalamka ee ka soo qeyb gashay fadhiga Qaramada Midoobey.
Caalamka ayaa hadda u muuqanaya mid si gaar ah isha ugu haya isbadallada dhinacyada siyaasada iyo amniga ee ka jira dalka Soomaaliya.