Madaxweynaha maamulka goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay arrimaha siyaasadda dibedda in ay wakiil ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, muhiimna ay tahay in looga dambeeyo.
Waare ayaa sheegay in doorka dowlad goboleedyada ay ku leeyihiin arrimaha siyaasadda dibedda in uu yahay talo bixin iyo farsamo oo kaliya, balse aysan aheyn in ay go’aan ka gaaraan siyaasada arrimaha dibedda.
Aragtida madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle ayaa ah mid ka hor imaneysa go’aanka ay qaateen hogaamiyayaasha maamulgobolleedyada qaarkood.
Madaxweynayaasha maamul gobolleedyada Koofurgalbeed,Puntland iyo Galmudug ayaa dhowaan cadeeyay in ay taageersan yihiin dalalka Sacudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.