Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Sheegey In safarada Xildhibaanada Caqabad ku Tahay Qabashada Shirarka

0
74

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa uga digay Xildhibaanada safarada ugu anbabaxa dalka dibediisa iyadoo uusan guddoonku ka warqabin.

Guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Safarada badan ee xildhibaannada ay caqabad weyn ku noqotay kulamada baarlamaanka ee caadiga ah, isla markaana illaa boqol Xildhibaano ay safaro ugu maqan yihiin dalka dibediisa.

Kulamada baarlamaanka ayaa mar marka qaar u baaqda Kooram la’aan, madaama la waayo inta badan xidhibaannada oo aan qaarkood soo xaadirin kulamada ama safar uga maqan dalka.

Guddoomiye Jawaari ayaa xildhibaannadda ugu baaqay in ay waajibkooda gutaan, waxaana uu tilmaamay in ay ka turjumayaan shacabka oo ay saaran tahay mas’uuliyad, sidaas darteedna aanan loo baahneyn in ay danahooda gaarka ah fiirsadaan.