Maamulka Galmudug ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay qoraal lagu baahiyay baraha bulshadu kuwada xiriiraan kaa oo ku saabsanaa in Galmudug taageertay go’aanka wadamada Khaliijka ee ka dhanka ah Qatar.
C/raxmaan Jaamac Afrax wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta maamulka Galmudug ayaa warbaahinta u sheegay in qoraalkaasi uusan aheyn mid ka soo baxdy maamulka Galmudug.
Qaar ka tirsan maamul goboleedyada dalka ayaa taageeray go’aankii xulufada Sacuudiga, mamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu dambeeyay oo sheegay in uu taageersan yahay Sacuudiga, kana soo horjeedaan Qadar.
Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif dhaxdhaxaadnimo ah ka qaadatay khilaafka soo kala dhaxgalay wadamada Khaliijka kadib markii ay xulafada uu hogaaminayo Sacuudiga xiriirka u jareen dowladda Qatar.