Qoraal lagu qorey boga Qaramada Midoobay, kaas oo ku taariikhaysan 07 September 2017, kana soo baxday xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagaga hadlay illaa Afar dal oo lagu leeyahay lacag oo ay ku jirto Soomaaliya.
Qoraalka ayaa lagu soo xigtay qodobka 19-aad oo dhigaya in dalalka lagu yeesho lacagta qaaraanka ah ee xubinimada dalka, muddo laba sannadood ah, inuu dalkaasi waayi kari karo xaqqii uu u lahaa inuu codeeyo, haddii dalkaasi aanu la imaan sabab macquula oo keentay inuu lacagta iska bixin kari waayo, isla markaana Golaha Sare uu ku qanco.
Danjiraha ayaa sheegay in Soomaaliya lagu leeyahay lacagihii qaaraanka ahaa ee dal ahaan looga rabay, taas oo aan 15-kii sano ee ugu dambeeyey aan la bixinin.
Wuxuu kaloo sheegay Danjire Abuukar Cusmaan Baalle inay sannad walba codsanayeen in dib loo dhigo bixinta lacagtaas, sannadkanna ay sidaas sameeyeen.