Maamulka Golaha Shacabka ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay in Xildhibaano ay Guddoonka Golaha Shacabka u gudbiyeen mooshin ka dhan ah Xukuumada Soomaaliya.
Maamulka Golaha Shacabka ayaa sidoo kale sheegay in uusan jirin mooshin laga gudbiyay Xukuumada, sidoo kale wuxuu meesha ka saaray wararka sheegaya in Xildhibaanada ay hada wadaan qorshe la xiriira mooshin ka dhan ah Xukuumada.
Xoghaha Guud ee Golaha Shacabka Soomaaliya C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan jirin intii ay socotay dooda (Qalbi Dhagax) in mooshin lagu dhex waday oo Guddoonka loo gudbiyay.
Sidoo kale waxa uu faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qaabka uu Guddoonka Baarlamaanka u wajahay Kiiska C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax).