Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Oo Maamulka Myamar Ugu Baaqey Iney Joojiso Dhibaateynta Muslimiinta Rohingya

0
63

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres iyo Golaha amaanka ayaa dowladda Myanmar ugu baaqay in ay joojiso Ololaheeda military ee ka dhanka ah Muslimiint Rohingya.

15-ka xubnood ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobey , oo Arbacadii kulan albaabada uu u xiranyahay wada qaatay, ayaa waxaa looga dooday laguna cambaareeyay dhibaateynta lagu hayo Muslimiint Rohingya.

Mr Guterres, ayaa weerarada iyo barakaca lagu hayo Rohingya, waxaa uu ku tilmaamay “Musiibo”.

Dhinaca kale maalin ka hor ayey aheyd kaddib markii Ra’iisul wasaaraha dalka Bangladesh uu ugu baaqay Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inay cadaadiyaan xukuumadda Myanmar, si ay u oggolaato soo noqoshada boqollaal-ka kun ee ah qaxootiga Rohingya, kuwaas oo dalkaasi kasoo cararay dhawaan.