Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya shalay waxaa heshiis ku kala saxiixday Hay’adda maamusha hawada Soomaaliya ICAO iyo Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar).
Heshiiskaas ayaa ahaa sida Dowladda Soomaaliya iyo ICAO ay uga wada shaqeyn lahaayeen sida ugu dhaqsiyaha badan in loo soo wareejiyo maamulka Hawada Soomaaliya.
Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in duhurnimada maanta la dhameystiri doono heshiiska ay kala saxiixdeen ICAO iyo Dowladda Soomaaliya.
Warar soo baxayay ayaa waxa ay sheegayaan in maamulka Hawada Soomaaliya loo wareejin doono Dowlado kale, si ay u maamulaan, maadaama Soomaalida dhexdeeda uu khilaaf ka dhextaagan yahay