Kulanka Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta furmay, iyadoo la guda galay ajandaha kulanka oo ahaa ka doodista qaraarkii Xukuumada ka qaadatay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax oo dowladda Soomaaliya ku wareejisey Itoobiya.
Kulankan ayaa ku furmay jawi wanaagsan, waxaana shir guddoominaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Kulankii maanta ayaa la sheegayaa iney soo xaadireen 170 Xildhibaan ayuu ku furmay kooramka baarlamaanka, sida ay soo sheegeen howl wadeenada Baarlamaanka.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa Xildhibaan walba siinaya waqti uu aragtiidiisa uga dhiibto, iyadoo mid mid loogu yeerayo.
Xildhibaanada ayaa ah kuwo si aad ah ugu kala aragti duwan kiiska C/kariin Qalbi Dhagax oo ahaa mid labadii todobaad ee la soo dhaafay si aad ah u saameeyay howlihii hey’adaha dowladda.
Si kastaba arintu ha ahaatee arinta ku saabsan qalbi dhagax aya waxaa la filayaa dooda ka dib in maanta lasoo afjaro maadaama ay howlo badan sugayaan xildhibanada golaha shacabka in ay u qabtaan umada somaliyeed.