Dood Adag oo ay ka yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa soo dhaamaatay, waxaana Xildhibaanada ay sheegeen in Guddi loo saaray Arinta Qalbi Dhagax.
Xildhibaanada qaarkood ayaa dooda Baarlamaanka ka sheegay in wareejinta Qalbi Dhagax ay aheyd Sharci daro, Halka qaar kala ay sheegeen iney sax tahay go,aankii ay qaateen golaha wasiirada.
Gabagabadii kulanka ayaa gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Jawaari uu sheegay in Guddi loo saaray Arinta Qalbi Dhagax.
Guddiga ayaa soo turxaa bixin doona arinta Qalbi Dhagax sida uu shaaciyay Gudoomiye Jawaari.