Duqeyn culus ayaa ka dhacday degaanka Kuunyo Barow oo ka mid ah degaanada hoos yimaada Magaalada Baraawe ee gobolka shabelaha hoose.
Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo ciidamo Mareykan ah ayaa la sheegay in ay fuliyeen duqeyntaasi.
Maamulka degmada Baraawe ayaa xaqiijiyay in duqeyntaasi lala beegsaday Saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla degaankaasi.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in duqeyntaasi lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo uusan sheegin tiradda iyo Magacyadda.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa xoogeystay duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka dowlada Mareykanka ee ka dhacaya gobolka Shabeelaha Hoose.