Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cuna qabateyn dhinaca dhaqaallaha ah kusoo rogay dalka Kuuriyada Waqooyi.
Cuna qabateyntan cusub ayuu goluhu sheegay inuu uga jawaabayo tijaabadi ay Kuuriyada Waqooyi ku tijaabisay saddexdi bishan September gantaal niyukleer ah.
Danjiraha Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa sheegtay in adduunyada aysan waligeed aqbali doonin in Waqooyiga Kuuriya ay isku hubeyso bam niyukleer ah.
Cuna qabateyntan cusub ayaa waxaa ka mid ah xannibaad lagu soo rogay dhoofinta waxyaabaha dharka laga sameeyo iyo xakameyn lagu sameeyo saliidda cayriinka ah ee ay soo dhoofsato Pyongyang.
Haddii ay cuna qabatentani dhaqan gasho, waxay Waqooyiga Kuuriya saddex meelood meel weyn doontaa saliida ay dibadda u dhoofiso.