Wararka aynu ka heleyno degaanka Farlibaax ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku dagaallameen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dagaalyahanada Al-Shabaab.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degaanka farlibaax ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Degaanka Far Libaax Cawaale Isaaq Jirre ayaa u sheegay Wakaalada Wararka SONNA in dagaalka uu ka dhacay Meel qiyaasta 25-km u jirta magaalada Beledweyne.
ilaa iyo hada inta la og yahay waxaa ku dhintey dagaalkan hal qof oo rayid ah, waxaana hada degan xaalada Degaanka Far Libaax iyo nawaaxigeeda sida uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka Farlibaax.