Shaqaale U shaqeynayey Hey’ad Samafal oo Maanta Lagu Afduubtey Duleedka Magalada Baydhaba

0
83

Wararka aynu ka heleyno Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay Afduubteen Shaqaallo ka shaqeynaayay Hay’ad Samafal.

Tiradda Shaqaalaha ayaa lagu sheegay 6 qof, waxaana xilligii la afduubanaayay ay raashin Nafaqeysan ka qeybinayeen degaanka Garas mooshin oo qiyaastii 20 KM dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Baydhabo ee Xarunta gobalka Baay ayaa laga Afduubtay Shaqaalahaasi

Waxa ay ka shaqeynaayay Hay’ad Maxali ah oo lagu magacaabo Kareedo sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka.

Dadka degaanka waxa ay sheegeen in shaqaalahaasi oo dhammaantood Soomaali ah in ay Afduubteen Al-Shabaab.