Kooxda Alshabab oo Sheegtey In uusan Jirin Wax Wada Shaqeyn Ah oo Dhex Martey Alshabab iyo Qalbi Dhagax

0
69

Kooxda Al Shabaab ayaa iska fogeysey sheegayna in Qalbi-Dhagax uusan wax xiriir ah la laheyn Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliya, ayaa shalay sheegtay in Qalbi-Dhagax uu xiriir dhow ah la lahaa kooxda Al Shabaab, taasina ay qeyb ka aheyd in loo gacan geliyo dowladda Ethiopia.

Golaha wasiiradda ayaa sheegay sarkaalka Jabhada hubeysan ee ONLF ee Qalbi-Dhagax, in uu abaabulayey falal lid ku ah amniga dalka oo uu in muddo ah ka dhexwaday dalka gudahiisa, xiriirna uu la lahaa kooxaha argagaxisada ah ee Al-Shabaab.

Golaha waxaa la horkeenay nuqulka Heshiisyo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay Dowladda Ethiopia ee 07dii June 2015kii kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada JFS Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ee dawladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Heshiiskan ayaa u aqoonsanaya kooxaha hubaysan oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo Jabhadda ONLF in ay khatar ku yihiin amniga labada dal, meelna looga soo wada jeesto oo labada dal ay iska kaashadaan si wada jir ah.