Maamulka Somaliland oo Xirey Sheekh Adan Cabdirahmaan “” Aadan Sunne “”

0
79

Ciidamada amniga maamulka Somaliland ayaa xalay hawlgal ay sameeyeen ku soo qabtay Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) oo lagu eedeeyey inuu ku kacay falal amniga ka dhan ah.

Taliye ku xigeenka Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa sheegay in wadaadkan ka hor yimid dhallinyaro dhawaan lagu qabtay iyagoo ku gudda jira tababar dab shid ah oo loogu tababarayey in ay falal argagixiso ah ka fuliyaan Somaliland, waxaanu sheegay in dhalinyaro aan waxba gaysan la iska xiray.

Taliye ku xigeenku waxaa kale oo uu sheegay in xalay markii la qabanayey wadaadkan uu iska caabin kaga hor yimid ciidamada isagoo soo abaabulay dhalinyaro ciidamada shiid iyo dhagaxaan kala hor yimid.

Ma aha markii ugu horeysey oo Sheekh Aadan Sunne la xiro dhowr jeer oo hore ayaa sidan oo kale loo xirey kolkii dambi lagu waayeyna lasoo daayey.