Tuulo Lagu Magacaabo Gaalleefta oo Hoos Tagta Degmada Jowhar oo La Sheegey In Alshabab Dab Qabadsiiyeen

0
153

Deegaan lagu magacaabo Gaalleefta oo ka mid ah deegaanadda hoos taga magaaladda Jowhar ee xaruunta ku-meel gaarka maamulka Hirshabeelle, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Al shahaab ay dab qabadsiiyeen xalay.

Masuuliyiinta degaanka, ayaa sheegay in tuullada ay bas-baxday, waxaana dadkii ku noolaa aysan heysan meel ay caawa ku hoydaan.

Lama oga ujeedka ka dambeeya in la gubo tuullo ay dad shacab ah ay deganyihiin.

Maamulka Hirshabeelle, ma jiro war wali ka soo baxay oo ku aadan, tuullada ay gubeen Al shabaab.