Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wada mooshin ka dhan ah Saldhiga Milateri ee Imaaraadka carabta ka sameysaneyso magaalada Berbera ee Somaliland.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in heer gabo gabo ah uu u marayo diyaarinta mooshinkan, ayna maalmaha soo socda hor-geyn doonaan Guddoonka Baarlamaanka.
Xildhibaanada ayaa sheegay in Saldhiga Imaaraadka Carabta ka dhisanayo Berbera ay tahay arin dhaawaceysa jiritaanka Midnimada Soomaaliya, isla markaana ah xadgudub.
Xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa cirka isku sii shareereysa, kaddib markii Imaaraadka Carabta u yeertay Safiirkii u joogay Somalia, sababo ku aadan muranka iyo cabashada dowladda Somalia ka keentay saldhiga Milateri.