Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay maamulka iyo tifaftirayaasha warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ee dalka iyo ururrada ay ku midaysan yihiin suxufiyiinta.
Madaxweynaha oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in warbaahinta madaxabannaan ay ku soo shaqeeysay duruufo aad u adag, isaga oo uga mahad celiyay sidii ay u garab istaageen xilligii uu ahaa ra’iisul wasaaraha, oo ay xukuumaddiisa dagaal adag kula jirtay kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab .
Madaxweynaha ayaa tacsi u diray eheladda iyo qaraabada saxafiyiintii Soomaaliyeed ee naftooda u waayey gudashada waajibaadkooda shaqo.
Ugu danbeyntii madaxweynaha ayaa u ballan qaaday bahda saxaafadda in ay dowladdiisu diyaar u tahay in ay wada shaqeyn buuxda la yeelato, waxa uuna ka codsaday in ay dhinacooda kaalin mug leh ka qaataan wacyigelinta bulshada.