Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ka hadlay xaaladda Abaaraha ee ka taagan gobolada dalka Somaliya, xilli dadka iyo duunyada haraad iyo gaajo ay u geeriyoonayaan.
Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka Recep Tayyip Erdoğan, ayaa wuxuu ku sheegay in Somaliya xilligaan ay ka jirto xaalad qatar ah oo dhanka abaaraha ah, marka la fiiriyo nolosha dadka iyo duunyada sida ay tahay.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa sidoo kale sheegay in Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ay biloowday olole ballaaran, oo dhaqaale loogu aruurinayo shacabka Somaliyed ee ku dhufatay abaarta.
Xukuumadda Turkiga iyo shacabkeeda, ayaa 2011 gurmad xooggan u samaysay Somaliya, oo xilligaasi ay ka jirtay Macluul daran, oo galaafatay nolosha in ka badan 260,000 oo qof oo caruur iyo haween u badnaa.