Madaxweynihii Hore ee Dowlada Federaalka oo Maanta Ka Mid Noqdey Xildhibanada Baarlamaanka

0
51

Madaxweynihii hore ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa manta si rasmi ah uga mid noqday Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii loo dhaariyay xubinimaddiisa Barlamaanka.

Dastuurka Soomaaliya ayaa qeexaya in siyaasigii dalka Madaxweyne ka noqda, in uu si sharci ah u heli karo, xubin ahaanshaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu noqonayaa xildhibaankii ugu horreeyay ee ka mid noqda barlamaanka isagoo sharci u siinaya Dastuurka Soomaaliya.

Madaxweynayasha kale ee soo mara Soomaaliya, ayaa waxaa ay ku biiri doonaan Barlamaanka sida Xasan Sheekh oo kale, waxaana uu xilalkooda Barlamaan uu sii jiri doonaa mar walba.