Wararka ka imaanaya Degmada Matabaan Ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Magaaladaasi ay ka jirto Xiisad Dagaal oo u dhexeeysa Ahlusunna iyo Maamulk Hirshabeelle.
Maamulka Degmada Matabaan ayaa Xaqiijiyay Ciidamada faraha badan ee Ahlusunna ay Magaalada keentay iyo Xiisadda inta ay le eg tahay.
Goob joogeyaal ayaa sheegay in Ahlusunna Ciidamadii ugu badnaa oo wata Gaadiid Dagaal ay Magaalada Matabaan keeneen,waxaana dadka Magaalada jooga ay qabaan Cabsi ah in lagu dul dagaalamo.
Si kastaba arintu ha ahaatee dagaalada iyo xasiloonidarada ka taagan deegaanadaas ayaan aheyn kuwo cusub ayadoo taasi mid la mid ah ka taagan tahay maamulka galmudug iyo ahlusuna.