Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa si adag u cambaareeyay kooxaha Argagixisada ee ka dambeeyay weerar isqarxin ah oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha Ataruk ee magaalada Istanbul.
Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dowladda Turkiga tacsi u direyso ehelada dadkii ku dhintay weearka, sidoo kalana alle uga baryay in uu dag dag u bogsiiyo kuwa ku dhaawacmay.
Madaxweynaha Turkiga ayaa xusay, in u jeedka Argagixisadu uu ahaa in ay laayaan dadka maatida ah ee aan waxba galabsan.
Erdogan, ayaa carabka ku adkeeyay in dowladdiisy ay dagaal adag la galeyso kooxaha argagixisada, ayna ku baacsan doonaan meel walba Argagixiso dunida kaga sugantahay, tan iyo inta caalamka oo dhan laga tirtirayo.
31 ruux, ayaa ku naf weysay 147 kalana wey ku dhaawacmeen, Qaraxyada ka dhacay magaalada Istanbuul iyadoo Cisbitaalada magaalada la dhigay dadkii dhaawacyadu ay soo gaareen.