Guddoomiyaha Hay’adda Culummada Soomaaliyeed oo Sheegey In Sharciga JInsiga ay Ku JIraan Qodobo Kasoo Horjeeda Diinta Islaamka

0
88

Hoggaanka sare ee Hay’adda Culummada Soomaaliyeed, ayaa kasoo horjeestay Sharciga Siyaasadda Qaran ee Jinsiga ama Gender, iyagoo Sheegay inay qoraalka sharcigaan ku arkeen qodobo badan oo kasoo horjeeda shareecada Islaamka.

Sharcigan ayaa waxaa bishii hore Meel-marisay Dowladd Somalia, waxaana culumadu ay sheegeen in sharcigan uu dalbanayo inay meel-mariso dhammaan Xuquuqaadka haweenka.

“Markaan akhrinnay buugga sharciga Jinsiga – Waxaanu ku aragnay qodobbo badan oo si toos ah uga hor-imaanaya Shareecada Islaamka, Kuwaas oo ay ka mid yihiin; da’da qaan-gaarka iyo guurka oo lagu dalbanayo in laga dhigo 18 sano oo ah da’da ay aamisan yihiin Gaalada, Shareecada Islaamkana aan Wax Raad ah ku lahyan,” ayuu yiri Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaliyeed , Sh. Bashiir Axmed Salaad oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Sheekh Bashiir ayaa intaas ku daray. “Waxaa kaloo ka mid ah qodobada aan ku aragnay in Haweenka la buun-buuninayo – laguna Tarbiyeynayo inay kasoo hor-jeestaan Waalidkood ayna diidan amarrada ragga qaba, taaasoo ku ahan laftooda khatar.”

Guddoomiyaha Hay’adda Culummada Soomaaliyeed, ayaa Wuxuu sidoo kale sheegay, in waxyaabaha Diinta Islaamka ka hor-imaanaya ee Sharcigan ku jira ay ka mid yihiin; In la diido gabi ahaan gudniinka haweenka oo qofkii gabar uu dhalay guda laga dhigo dambiile, taasoo aan raad ku lahayn Islaamka.