Ururka Midowga Africa oo Wada In 2018 Ay Africa Yeelato Hal Baasport

0
90

Ururka Midowga Afrika, ayaa shaaciyay inuu qorsheynayo in Afrika oo dhan ay yeelato hal baasaboor, sida Midowga Yurub oo kale, si ay bulshooyinka Afrika ay u helaan inay waddamadooda isaga tallaabaan.

Hoggaamiyeyaasha Afirka ayaa la filayaa in dhawaan Qorshahan loo soo bandhigo, Waxaana tani ay dadka Afrikaanka ah u ogolaanayso inay dalalka Afrika oo dhan isaga gudbaan, iyagoo aan sii dalban Dal-ku-gal ama Visa.

Fikirkaan ayaa la sheegayaa, inuu yahay mid laga soo min-guuriyay Midowga Yurub oo dalal badan oo Qaaraddaas ku yaalla ay isku gudbaan shacabkooda iyagoo wata hal baasaboor, inkastoo ay jiraan waddamo aan qayb ka ahayn qorshahaas.

Xilligan ayaa waxaa Afrika ka jira 13-dal oo shacabkoodu ay fiiso la’aan isku gudbaan, iyadoo marka la barbar-dhigo Qaaradda Ameerica ay jiraan 20 Waddan oo iyaguna ay shacabkooda isku Tallaabaan iyagoo aan wadan wax Viso ah.

Ururka Midowga Afrika oo wakiil ka ah 54-ka dal ee Qaaraddu ay ka kooban tahay, ayaa qorsheynaya in marka la gaaro sanadka 2018-ka ay shacabka Afrika awood u helaan inay fiiso la’aan isaga gudbaan gobollada Qaaradda oo dhan.

Sidoo kale, Waxaa la qorsheynayaa in dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee Afrika ay noqdaan kuwo xor ah, wixii ka billowda sannadka nagu soo fool leh ee 2017-ka, taasoo qayb ka ah xoojinta ganacsiga guud ee Afrika.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Dr Nkosazana Dlaimini Zuma, ayaa ku tilmaantay in qorshahani yahay mid Qaaradda Afrika u horseedaya horumar weyn iyo barwaaqo, isla markaana u ogolaanaya Dadku inay noqdaan kuwo leh hal baasaboor oo ka dhexeeya.