Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa gaaray Degmada Baydhabo ee Gobolka Baay, halkaas oo uu 20-ka bishan oo ku beegan Isniinta soo socota ka furmi doono kulan wada-tashi ah oo ku saabsan doorashada dalka.
Wafdiga guddoomiye Jawaari uu hoggaaminayo ayaa hordhac u ah mas’uuliyiinta la filayo inay Kulanka Madasha Wada-tashiga QARAN kaga Qayb-galaan Xarunta Gobolka Bay ee Baydhabo.
Prof. Maxamed Cismaan Jawaari, ayaa waxaa Safarkiisan ku wehliya xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Somalia, Waxaana kusoo Dhaweeyay Garoonka Baydhabo Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamul Koonfur-galbeed Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta Maamul-goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa inay maanta iyo berri tagaan Baydhabo, si ay Isniinta ay uga qaybgalaan Madasha oo si rasmi ah u furmi doona Isniinta.