Gudoomiye ku Xigeenka Gudiga Arimaha Dibada Prof Maxamed Cumar Dalxa oo Ka Hadley Derbiga Ay Dhiseyso Kenya

0
98

Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cumar dalxa oo la hadlay Warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in ay ka xun yihiin Dhismaha Dowladda Kenya ay dib uga biloowday Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Prof Maxamed Cumar dalxa ayaa sheegay in Kenya aysan Xaq u la heyn dhismaha Darbigaasi,maadaama uu ku yaallo Xadka Labada Dal,loona baahan yahay in wada jir looga tashado haddiiba la dhisayo.

Kenya ayaa la sheegay in ay dib u biloowday Dhismaha Darbiga Muranka dhaliyay ee ay ka wado Xaduuda Labada dal,iyadoo taas ay sii dheertahay in Kenya ay Xirtay Xaduuda Labada Dal.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhexeeya Murano kala duwan sida isku haysiga Badda iyo Muranka Dhismaha Darbiga.