Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya oo kasoo jeeda koonfur galbeed ayaa manta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho eedeyn usoo jeediyey Madaxda maamulka Puntland.
Xildhibaanadaan ayaa Madaxda Puntland ku eedeeyay iney si xun ula dhaqmayaan dadka ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya.
Xildhibaanadaan ayaa sidoo kale Dowlada federaalka iyo Beesha caalamka ugu baaqay iney jawaab deg deg ah ka bixiyaan tacadiyada iyo midab ka takoorka ay sheegeen in lagu hayo dadka ka soo jeeda koofurgalbeed ee ku sugan deegaanada Puntland.
Si kastaba arintu ha ahaatee waa markii ugu horeysey oo ay xildhibaano tiradooda intaala egtahay ka hadlaan dhibaatooyinka lagu hayo shacabka koonfur galbeed meel walba oo ay joogaan haba ugu badnaadeen puntland iyo gobolka shabeelaha hoose oo maalin walba dhiac iyo dil loogu geysto ilaa iyo hadana aysan jirin wax ka hadla.
Shir-Jaraa-id-ee-Xildhibaanada
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada
Shir-Jaraa-id-ee-Xildhibaanada Mobil