Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye (OPPS! HAWIYE OO DHAN MA EHIN ) ayaa malmahan ku candacoonayo iney magaalada Xamar leeyihiin beelaha Hawiye sey u dhan yahiin, Somaalida kalane oo eey ku jiraan REER BANAADIRKA OO MAGAALADA ISKALEH ay marti kaliya ku yihiin.
Odayaasha dhaqanka ee Hawiye (OPPS! HAWIYE OO DHAN MA EHIN) ayaa sidoo kale sheegay in beelaha Hawiye OO DHAN eey XAMAR doonayaan iney ka sameestaan maamul goboleed gaar u ah lagane dhigo CAASIMADA BEELAHA HAWIYE.
Riyo malmeed kaan iyo damacaan waalan waxa horkacaayo dagaal-oogeyaal si fiican Xamar iyo Benadir logu yaqaan, iskuna sheega odeyaal dhaqameed, lakiin ku qaraabta magac qabiil sida Hiraab ama Hawiye. “Odayaasha” waxey rabaan in eey inkiraan TARIIKHDA faca weyn eey leedahay magalada Xamar iyo dadka asalowga ee dhistay – wa Reer Xamarka oo ka tirsan qomiyada Banaadir.
Reer Xamarka waxa waqti dambe la soo dagay oo wax la wadaagay Xamar/Daye oo ka tirsan beesha Abgal. Reer Xamar & Xamardaye oo tariikhda la xariirso magaalada Xamar aya manta la damacay in la qaadsiyo ayado la iscmaalayo dalada Hawiye. Tariikhda magaalada Xamar oo qarniyaal jirta waxu macno weyn u leeyahay labad qowmiyadeed ee Reer Xamar iyo walaalaha diriska la’ah ee Xamardaye/Abgaal, wana nasiib daro in eey si raqiis ah u damacaan dad wax maqarad ah oo Xamar soo galay labaatanki sano ee ugu danbeeyay in eey badalaan asaaski xalaasha ahay ee Xamar lagu dhisay. Danaha laga leeyahay been abuurka laga sameeynayo tariikhda qof kasta wa ogsoonyahay – in la xalaalesto xoolaho Islaameed shacabka leeyahay iyo hantadii qaranka laga dhacay.
Taarikhda eey leeyahin Reer Xamar mala inkiri karo, waane la wada ogsoon yahay in eey yahiin dadkii ugu soo horeeyay ee Xamar/Muqdisho daga. Reer Xamar wa qabiil ka mid ah bah weeynta Reer Banaadiri. Reer Xamar iyo Reer Benaadir guud ahaan waa dad lagu yaqaan dhaqan sare oo reer magaalnimo iyo nabad jaceel xanbaarsan, waxeeyna ku can baxeen ganacsiga, iyo ilbaxnimo soo jiritaan ah. Waxeey daagaan gobolka weyn ee Banaadir qaasatan magaalooyinka Xamar, Marka iyo Baraawe. Reer Xamar iyo Xamardaye way is yaqaaniin, qarniyaal eey wada dhaqmi jireen mana u baahana dhex-yaal.
Hadafka kulanka ayaa ahaa in beelaha Banaadiriga iyo beelaha kale oo la daga laga boobo milkiyadda magaalada Xamar. Subhanallah. waa wax laga xishoodo. Sanadihii la soo dhaafey ayey isla odiyaal ku sheeg oo moryaanimo iyo jaahilnimo isku darsady ayaa warbaahinta ka sheegan jireen in gobolka Sh.hoose ay 80% beesha Hawiye leeyahiin, iyadoo qof waliba ogyahay in gobolka Sh.hoose aysan jirin xata hal tuulo ee Hawiye kaligeed dagto. Sidoo kale, isla odeyaashaan ayaa markii ugu horeysay eey maqleen in Soomaaliya qaadatay nidaamka federalka waxay warbaahinta ka sheegeen in beesha Hawiye degto Gaalkacyo ilaa Kismaayo, taasoo ay la fajaceen umada Soomaalida oo dhan.
Farshaxaniiste Amiin Caamir oo isaga ah reer Xamar asal ah ayaa kartoonkan ku muujiyey damaca waalaan ee “odeyaashan” Hawiye ee ka yimid kana soo haajiray gobola kale ku sheeganayaan milkiyadda Xamar. BILILIIQO, DHUL BOOB IYO XARAAN KU NOOLASHO ARINTAAN WAA KA WEENTAHAY. Laba arimood ha ogalaadeen “odiyaashan”:
- In Xamar maamulkeeda eey leeyahiin DADKA KA DHASHAY XAMAR EE KA KOOBAN REER XAMAR IYO REER XAMAR DAYE INTA KALANE EEY MARTI KU YAHIIN.
- Ama in magaalada Muqdisho loo tixgiliyo sida magaalo madaxeed ay u siman yihiin beelaha Soomaaliyeed oo dhan, fidnowadayaashane loo tarxiilo meelaha iyo gobolada eey ka soo haajireen
Waxa Xamar la hadal haaya magac cusub – XAMARDAFE lana xariiro arintaan aan kor kuso sheegay. Magacaan cusub XAMARDAFE waxa lagu sifeeya qolo gobolada kale ka yimid oo Xamar usoo galay bis in eey wax dafaan.
DAFID anaga shibirta unfaay aan ku dhaqaan, dad kane sifooyinka hoos ku qoran aya luga xiriiriya dadka hada loo bixiyo XAMAR DAFE.
- Waxi la dafo wa wax aadan laheen, xaqne u laheen
- Bililiqada, dhacid, boob xoola aadan la heen wa dafid
- DIL iyo kufsi wa dafid kan uga xun
- Xaaraan ku naax, moryaannimo wa dhaqanka lagu yaqaan kuw wax dafa
- Qori/bistolo baron… waxba lagu dafa
Ugu dambeyntii waxaan ku soo gunaannadayaa Xamar iyo Xamardaye way is yaqaaniin, qarniyaal eey wada dhaqmi jireen mana ogalaanayaan in tariikhdooda been laga sheego, umana baahano dhex-yaal OPPS Xamar/Dafe.
Burfuule Gaabow
Amiga waxaan qaban hadii ladhiso maamulada had a soda qof weliba in uu aadaayo dhulkiisa
Comments are closed.