Wasiirka Maaliyada Xukuumada Federaalka oo Washington Kaga Qeyb Galey Shirkii Sannadlaha ee IMF

0
76

Shir sanadle ah oo ay soo qaban qaabiyeen Bangiga adduunka iyo hay’adda lacagta dunida ee IMF ayaa ka furmay magalada Washinton ee dalka Mareykanka kaasi oo ay ka qeyb galeen wafuud kala duwan oo ka kala socota dowladaha caalamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa shirkani waxaa uga qeyb galay wefdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Max’ed Aadan Ibrahaaim Farkeeti iyadoo diiradda lagu saaray horumarinta dhaqaalaha caalamka, iyo arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Max’ed Aadan Ibraahim Farkeeti ayaa ka hadlay muhiimadda ay Soomaaliya u leeyahay heshiis dhawaan ay la galeen hay’adda lacagta aduunka IMF oo ahaa in Soomaaliya laga cafiyo deymaha.

Shirkan sanadlaha ah ayaa socon doona mudo maalmo ah iyadoo la filayo in natiijooyin wax ku ool ah ay ka soo baxaan marka laga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

farketi1 farketi2

farketi3

farketi