War Deg Deg Ah:Suuqa Xoolaha ee Degamada Afgooye oo Mar Dhaweyd Qarax Ka Dhacay

0
86

Qarax Dhimasho iyo Dhaawac Sababay ayaa goor dhaw ka dhacay Suuq Xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa Bam Gacmeed ayaa waxaa lagu tuuray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo Suuqa Xoolaha ee Degmadaasi ka qaadayay Lacag Canshuur ah sida ay sheegeen Goobjoogeyaal.

Iaa iyo hada sida la sheegey qaraxan waxaa ku dhintey seddex ruux oo laba ka mid ah ay yihiin askartii qaraxa lala beegsadey waxaana ku dhaawacmey in ka badan 5 ruun halka xoolo badan oo halkaasi ku sugnane ay dhibaato kasoo gaartey

Si kastaba arintu ha ahaatee xaalada degmada afgooye ayaa maalmahan cakiran taasoo ay sabab u tahay ciidamo beeleedyo halkaasi ku sugan oo shacabka degmada ay ka harsan waayeen maalin walbana dhac,kufsi iyo dil la daba tagan.