Reysulwasaare Cumar Cabdi Rashiid oo Maanta Booqdey Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab

0
143

DhadhaabRa’iisal Wasaaraha Somalia Cumar C/rashdii Cali Sharmaarka, ayaa goor dhow ka ambabaxay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, isagoo ku sii jeedo Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee ku yaallo gobalka Waqooyi-Bari ee Kenya.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa booqashadiisa lagu sheegay iney tahay mid uu ugu kuur-galaayo xaalada Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryahaas, waxaa ku wehliyo Madaxda qaar ka mid ah Maamulada ka jiro Somalia; sida Madaxweynaha Maamulka Jubba Ahmed Mohamed Islaan iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Hassan Sheikh Aadan.

Madax ka tirsan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, ayaa iyagana la sheegay iney qeyb ka yihiin safarka Ra’iisal Wasaaraha oo imaanaayo maalmo uun kaddib markii dhawaan uu xeryahaas booqday Wasiirka Arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Nkaissery.

Booqashada Ra’iisal Wasaaraha, ayaa dhanka kale waxey ku soo beegmeysaa iyadoo bishii aynu soo dhaafnay ee October lagu qabtay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, Shir dhaqaalo loogu ururinayo qoxootiga Soomaaliyeed. Kaasoo Ururka Midowga Yurub uu lacago badan ugu deeqay barnaamijka dib u celinta qoxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool.