Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Rai’izul Wasaaraha oo kulamo gaar ah qaatay ayaa ka arinsaday sida ugu macquulsan ay isku shaandheynta loogu sameyn karo Golaha Wasiirada.
Madaxdan ayaa isku fahmay in Isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada hasa ahaatee waxaa wali muran ka taaganyahay Wasiirada ay saameeneyso isku shaandheyntaasi, iyadoona Sadaxda Masuul uu midba uu ku dhagan yahay qaar kamid ah Golaha Wasiirada uu diidan yahay in la badalo.
Waxaan wali heshiis buuxa laga gaarin Wasiirada ay seefta qaadi doonto iyo kuwa la rabo in lagu badalo, waxaana wali ay Madaxda sare ee Dowlada Federaalka leeyihiin wadahadalo ay isugu soo dhawaanayaan ugana hadlayaan Wasiirada ay tahay in la badalo iyo kuwa la keeni doono.
Wasiirada ay Seefta qaadi doonto ayaan ilaa hada si rasmi ah loo heyn hasa ahaatee Waxaa soo axaya in ay uurto gal tahay in booskooda Waayaadan , Wasiirada Caafimaadka, Wasiirada Waxbarashada, Wasiirka Howlaha Guud ,Wasiirka Amniga iyo Wasiiro kale oo Muhiim ah.
Si ksstaba arintu ha ahaatee wasiirradan la isku shaandheynayo ayaan waxba ka bedeli doonin qaabka siyaasadeed ee uu dalka somaliya ku socdo waxaase moodaa in loogu tala galey in dalkaasi uusan weligii horumar gaarin maadaama wasiirada aysan heysan waqti ay ku howl galaan, Shacabka ayaa inta badan is weydiiya sababta 8 bilood kasta loo kala bedelo wasiirada