Sharci Lagu Joojinaayo Cabista Shiishada oo laga Soo Saarey Magalada Toronto ee Dalka Canada

0
110

shiishoMudanayaasha golaha deegaanka magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in gabi-ahaanba magaalada laga joojiyo adeegsiga Qiiqa tuubada lagu dhuuqo ee loo yaqaan shiishadda ka dib mooshin uu ka keenay Joe Mihevc oo kamid ah xildhibaanada dowladda Hoose ee Toronto.

34-Mudane oo kamid ah xildhibaanada ayaa u codeeyay in magaalada laga mamnuuco Shiishada ,waxaana go’aankan lagu wadaa in uu dhaqan galo marka laga gaaro 1-da bisha afaraad ee sanadka soo socda.

Arintan ayaa la horkeenay xildhibaanada ka dib markii guddi caafimaad oo arintan loo xil saaray ay soo bandhigeen waxyeelada caafimaad darro ee ay ku keeni karto bulshada ,iyadoo mooshinkan uu ka dalbaday dowladda Ontario in ay Shiishadda ka mamnuucado dhamaan goobaha lagu cabo oo ay ku jiraan maqaxiyaha iyo baararka lagu caweeyo.

Mooshinkan ayaa salka ku haya warbixinno laga qoray khataraha Shishada oo la sii daayay bishii shanaad ee sanadkan ,taasi oo ay soo jeediyeen guddiga caafimaadka Toronto ,iyadoo waraysiyo laga qaaday dad kala duwan ay ku taliyeen in gabi-ahaanba la mamnuuco shiishadda.

Kaliya waxaa mooshinkan ka hor yimid mudanayaasha kala ah Giorgio Mammoliti, Denzil Minnan-Wong iyo Jim Karyigiannis ,kuwaasi oo ku dooday in dadka isticmaala ay iyagu go’aan ka gaari karaan adeegsigeeda.