Afhayeenka Alshabab Sheekh cali Dheere oo Ka Hadley Khilaafka u Dhexeeya Alshabab

0
300

Sh.-Cali-DheereAfhayeenka Xarakada Al-shabaab Sh. Cali Dheere oo la hadlayay idaacadda ku hadasha afka Al-shabaab ee Andullus ayaa ka hadlay khilaaf la sheegay inuu Al-shabaab u dhexeeyaan, kaasoo ku aaddan inay ku biirto Daacish iyo in kale.

Sheekh Cali Dheere ayaa xusay inaanay aqbali doonin cid kasta oo kala qaybinaysa safka muslimiinta, ayna gacanta kusoo dhigi doonaan cid walba oo arrintaas isku dayda. isagoo intaas ku daray in cadawga uu isku dayayo inuu kala qaybiyo dhexdooda, isla markaana la isugu diro, taasoo uu xusay inay tahay ujeeddo aan marnaba u suuro-geli doonin cadawga.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay inay la xisaabtami doonaan kuwa qaska ka dhex-wada gudaha Al-shabaab, isagoo baaq u jeediyay maamullada ka taliya deegaannada ay Al-shabaaab maamusho, isagoo faray inay xil gaar ah iska saaraan dhowraan shacabka ay maamulaan, ayna midnimadana ay ilaaliyaan.

Dhawaan ayay ahayd markii Sh. C/qaadir Muumin iyo xusbno Al-shabaab ka tirsan oo ku sugan buuraha Galgala ee Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ay ku biireen kooxda Daacish ee uu hoggaamiyo Sh. Abuubakar Al-Baqdaadi.