Warar inaga soo gaaraya magalada baydhaba ee caasimada u ah maamulka 3da gobol ee uu ka arimiyo Shariif Xasan ayaa waxaa ay sheegayaan in kol dhow isbedel lagu sameyn doono maamulka degmada wanleweyn ee haatan uu gudoomiyaha ka yahay Isaaq Maamow maamulka oo ah mid soo shaqeynayey ku dhawaad 10 sano.
Maamulka cusub ee la rajeynayo in loo magacaabo degmada wanleweyn ayaa waxaa uu noqon doonaa mid ka turjumaaya waaqaca dhabta ah ee ka jira degmada wanleweyn sidoo kalana waxaa uu noqon doonaa maamul ay guud ahaan qeyb ka yihiin dadka wada dega degmada wanleweyn ee gobolka shabeelaha hoose, Ayadoo beelaha deegaanla laba ka mid ah xubno ka noqon doonaan maamulka loo sameyn doono degmada oo ka kooban 14 xubnood ayadoo laba ka mid ah ay ka iman doonaan beelaha Gare iyo Gaaljecel.
Warar hoose oo ay heleyso warbaahinta Daafeet Media ayaa sheegaya in Shariif Xasan Sheekh, Xildhibaanada dowlada federalka ee kasoo jeeda degmada wanleweyn, Wasiirada maamulka koonfur galbeed kuwooda kasoo jeeda wanleweyn, Malaaqa Guud ee beesha shanta caleen Malaaq Siidow Maadow iyo odayaal ku hadlayey magaca beelaha ay ka kooban tahay shanta caleen iney isla garteen in loo magacaabo gudoomiyaha degmada wanleweyn Maxamed Siidow.
Si kastoo loo dhigaba isbedelka lagu sameynayo degmada wanleweyn ayaa waxaa uu salka ku hayaa fashil in mudo ahba soo jirey oo uu ku fashilmey maamulkii hore u jirey in uu wax u qabto dadka ku nool degmada wanleweyn ayadoo maamulka cusubna looga fadhiyoin ay la yimaadaan waxqabad dhab ah oo ku aadan Arimaha bulshada sida Waxbarashada iyo Caafimaadka, Sugida amniga degmada wanleweyn iyo wadooyinka soo gala, Xakameynta hey’adaha maxaliga ee ka howlgala degmada iyo Maamul wanaag.