Taliyeyaasha cusub ee ciidamada Booliiska iyo Asluubta Somalia, Jen. Maxamed Sh. Xasan Xaamud iyo Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) ayaa maanta lagu dhaariyay Muqdisho, kaddib markii loo magacabay xilalkan toddobaadkii hore.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta waxaa hortiisa lagu dhaariyey taliyeyaasha cusub, isagoo hadal uu u jeediyay kulan dardaarmay inay laba-laabaan howlihii wanaagsanaa ee ay horay u qabteen taliyeyaashii ka horreeyay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Avv. C/llaahi Caydiid Ilko-xanaf ayaa dhaarliyay labada taliye, iyagoo sidoo kalena goobta la sheegay inay la wareegayaan isla maanta xilalka loo magacaabay.
Munaasabadda dhaarinta taliyeyaasha booliiska iyo asluubta Somalia waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka Cadaaladda, Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), Wasiirka Amniga, C/risaaq Cumar Maxamed, saraakiil ka tirsan ciidammada iyo mas’uuliyiin kale.