Hadeynu nahay bahda daafeet media iyo isha baydhaba waxaan macaamiisheena ku wargelineynaa in aynu bilowney in aan isbuuc walba qadka soo gelino md ka tirsan siyaasiyiinta hormuudka u ah shacabka koonfur galbeed somaliya dhinacey doonanba haka tirsanaadeen.
Taasoo aan uga dan leenahay in dadka kasoo jeeda koonfur galbeed ay ka faaiideystaan su,aalana ka weydiiyaan siyaasada guud ee ay ku socoto koonfur galbeed maadaama ay ka hartey umadii kale meel cidlana u fadhido waxaan la ogeyn.
Sidaas daraadeed isbuucan waxaa marti inoogu ah Suldaan Buube Suldaan Cabdulle Buube oo ka mid ah dadka ugu cad cad ee tiirka u ah siyaasada shariif xasan.
Hadadba hadii aad dooneyso in aad ka qeyb qaadato barnaamijkaas soo tiigso telfoonada hoos ku qoran suaalahana email inoogu soo gudbiya Email comments@daafeet.com
Your Conference Access Number:
1-218-862-3842
Your Conference Passcode:
410739#
Maalinta sabtida taariiqduna tahay 21 febraayo
Waqtiyada 12:00pm Toronto time, 11:00am Manisotta time, 17:00pm Uk Time, 18:00pm Italy Time, 8:00pm muqdisho time, 8:00pm sacudi time, 9:00 Dubai time.
Waqtiga aan wada ilaalino si dadka meelaha dhaadheer kasoo gelaayo aysn ugu noqon waqti dambe
Mahadsanidiin
dooood wadaagga waaaaaaaa mid aaaaaaad u habboooon mahadsanid
waxa codsi iga ah bahweenta daafeet.com inaad soo celisaan barnaamijkii dadoow doodnooy barnaamijkaas asaga ah waxuu ahaan jiry barnaamij aad u xiisa badan
Waa nasiibdarro ku dhacday Qoomiyadda Digil-Mirifle markii Xasan Safaro ka dhigay Shariif Sakiin oo la yaqaan qof tuug ah dadkiisa iy qabaailada dega dhulka digil-mirifle aan rabin xoog lagu keenay.
Talaabadii ugu horeeye sharif sakina qaatay waa dhulka digil ka gato beesha hawiye oo 5 wasiir ka siiyay maamulkiis waa abaalmarin dhibaka umadda ku haayen nus qarni dil,kufsi iyo barakicin intaba
beesha jereerweyne oo degta sablale,hawayi buulomareerta,golweyn,janale,awdhegle,afgoyi wax lagama siinin maamulkiisa ma hawiye ayaa ka tira badanyihiin beesha jereerweyne oo ah dadka xaqa u leh degaanka -tani waxaa ku tusaysa in shariif sakiin usan ahayn muwadin u qalma mansaba loo dhibay waa maqaarsaar duli ah oo dadkiisa sharaftooda iyo dadnimadooda raqiis ku gatay-
Waxaa Ilaah ka rajeynaynaa masaakiinta uu dulmiye xaqooda soo celiyo shariif sakiina aduun iyo ahiro ma liibaanaayo.
Insha Allah matada iyo marasta dulman oo deganadodana laga so barakiciyeey ASWT ayaa Xaq soore asagna xaqooda so celinayo,dalimiintana ASWT ayaa jasadooda marinayo Insha Allah. DHIB DHEEF ayaa ka dambeyso si lagu garonay waa in shacabka UNITADODA LAGA SHAQEYA. si ay Xaqoda uu so dhacsadan.
Comments are closed.